Linköping oo casri ah, deegaan ahaan u wanaagsan oo bini’aadantinimo leh

Inlajoojiyo wasakhda hawa lagu siidaayo marka lagaaro sadanad ka 2035

Linköping waxa ay haysataa fursad kasta oo ay ku hogaamin karto shaqada cimilada oo ay kor ugu qaadikarto tayada nolosha dadka deggan Linköping. taas oo si caalami ahaan ah hoos loogu dhigayno qiiqa.

Waxaan si dhakhso badan u gaari doonaa heshiiska Paris. Waa deg-deg, laakiin lagama daahin si wax looga qabto isbeddelka cimilada.

Hawo nadiif ah, dhul cagaar badan iyo goobo badan oo lagu kulmo, waxaan abuuri karnaa bulsho ku socota xaalad wanagsan, halkaas oo ay u dhowyihiin iskuulada, shaqooyinka iyo meelaha lagu ciyaaro taas oo lagu isticmaalo korontada iyo kuleylka laga dhalinayo qoraxda iyo biyaha (förnybara källor)

Waxaan rabnaa:

  • In aan Linköping ka dhigno magaalada ugu wanaagsan Iswiidhan ee lagu wato baaskiil iyo gaadiidka kala duwan ee dadweynaha.
  • In la dardar gelino  hiigsiga cimilada degmada si aan u gaarno baabinta iyo siidaynta qiiqa marka la gaaro  sanad ka 2035.
  • In aan u diyaarino linköping Magaalo cimiladeedu isbadashay.

Carruurtu waa mustaqbalka

Goobaha xanaanada caruurta iyo iskuulada Linköping waa inay ahaadaan meel loogu talagalay hal abuur iyo aqoon.

Waa in aysan wax saamayna ku yeelan meesha aad degan tahay,heerka waxbarashada waalidkaaga ama dugsiga aad dooranayso – xanaanooyin ka iyo iskuulada waa inay si isku mid ah u wanaagsanyihiin.

Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada, gaar ahaan kuwa ku nool xafadaha deganaansho la aantu ka jirto waxay u baahan yihiin nidaam samafal oo xooggan kaas oo ka soo weeciya dhibaatada.

Markaa iskuulada iyo xanaanada caruurta waxaa looga baahanyahay shaqaale iyo macalimiin dheeraad ah, si ay u yaraadaan tirada fasalada. Ardaydu waa inay ka helaan caawimaad saxda ah qaybta caafimaadka ardayda, dhammaan carruurtuna waa inay awoodaan inay aadaan meesha wakhtiga firaaqada lagu qaato ayna ka helaan wakhti firaaqo oo qiimo leh.

Ururada la shaqeeya carruurta iyo dhalinyarada ee bulshada nugul waa inay degmada ka helaan taageero wanaagsan joogta ah.

Waxaan rabnaa:

  • In iskuulada iyo xanaanooyinka loo shaqaalaysiiyo shaqaale badan oo waxbarasho heer sare leh.
  • In si wayn loo balaariyo caafimaadka ardayga iyo in la qeexo heerka ugu hooseeya ee shaqaalaha caafimaad ee iskuul kastaa yeelanayo.
  • In loo ogolaado  carruurta inay aadaan  goobo lagu hayo xiliga ay firaaqada lee yihiin iyo in la furo qaybo cusub oo lagu hayo xiliga firaaqa lana dhiso garoomo lagu ciyaaro..

Linköping oo ammaan ah oo isku xidhan

Linköping waa in ay ahaataa degmo kulmisa dadyow kala yimid meelo kala duwan leh  na khibrado badan oo kala duwan.taas oo  kulminaysa guryo, ganacsiyo iyo goobo  lagu kulmo  oo xiiso leh.

Si loo joojiyo rabshadaha sii kordhaya waa in lagu  dadaalaa in laga hortago lacagna lagu bixiya.

Si aan qof walba u siinno taageerada uu u baahan yahay, waxaan rabnaa in aan si weyn u maalgelinno adeegyada bulshada. Waxaa loo baahan yahay tababaro iyo dhaqaale dheeraad ah si looga hortago xadgudubyada ay raggu u gaystaan haweenka iyo sidoo kale xadgudubka iyo dulmiga la xiriira sharafta.

Ka shaqaynta amniga gudaha  iyo barashada SFI-ga oo wanaagsanaada waxay ha7gaajiyaan is-dhexgalka.

Dhinaca daryeelka waayeelka, waxaan rabnaa inaan ka hortagno kalinimada dadka waayeelka ah, oo aan meesha ka saarno wakhtiga loo kala qaybinayo shaqaalaha.

Si kor loogu qaado tayada daryeelka guriga, waa in maamulkeeda la hoosgeeyaa degmada.

Bandhig dhaqameed badan oo maxali ah iyo sii socosho wanaagsan oo loogu talagalay ururada iyo xirfadlayaasha dhaqanka ayaa looga baahan yahay nolol dhaqameed firfircoon.

Waxaan rabnaa:

  • In dadka loo fududeeyo barashada  luuqada af-iswiidishka si ay shaqo helaan.
  • In lacag badan lagaliyo adeegyada bulshada iyo daryeelka waayeelka.
  • In la hirgeliyo goobo dhaqameedyo badan iyo bandhig dhaqameedyo.

Linköping cagaaran oo isku filan

deegaan cajiib ah iyo harooyin iftiimaya waa astaamaha lagu garto dagmadeena. Cagaar badan oo magaaladu yeelato, khayraad kaydsan iyo ilaalinta xeebaha ayaa noqonaysa  in   dad  badan   oo reer Linköping ah ay heli karaan deegaan iyada oo islamarkaana la ilaalinayo noolaha kala duwan (biologiska mångfalden).

Waxaa muuqata muhiimada ay leedahay xaqiijinta helitaanka cuntada, sidaa darteed, waxaan rabnaa in aan la dhisan ama la deegaameyn dhulbeereedka iyo dejinta shuruudaha cuntada gudaha lagasooraro iyo cuntada ikolooga ah ee iskuulada, xanaanada iyo guryaha waayeelka laga isticamaalo. Bulsho dib wax usoo saarta oo qof kastaa uu ku kala sooci karo qashinka halka uu ku nool yahay iyo in ay suurtagal tahay in dib loo isticmaalo oo dib loo warshadeeyo, xitaa haddii aadan haysan baabuur macneheedu waa in aan si taxadar leh u maamulno kheyraadka dabiiciga ah. Taasi waa sababta aan u dooneyno inaan ka sameyno magaalada xarun yar oo dib u warshadeyn ah.

Waxaan rabnaa:

  • Inla adkeeyo ilaalinta xeebaha iyo noolaha kala duwan.
  • In lafududeeyo kala soocida qashinka meesha aad ku nooshahay.
  • Inla ilaaliyo helitaanka cuntada iyadoo la ilaalinayo dhulka beereedyada.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay qofnimadiisa iyo doorashada qof ka uu noqonayo. Sidoo kale qof kasta waxaa saaran masuuliyad ah inuu u damqado dadka kale iyo  aduunka inaka dhexeeya. Xisbiga Miljöpartiet waxa uu rabaa in uu u hadlo kuwa aan codkooda la maqli karin.

Aragtideenu waxay ku dhisan tahay saddex taageero oo kala ah:

  • Taageerada xayawaanka, dabeecadda iyo nidaamka deegaanka.
  • Taageerada jiilasha mustaqbalka.
  • Taageerada dhammaan dadka adduunka.

Bulshada cagaaran waxay ku salaysan tahay aragti guud – wax walba waa isasuranyihiin waana isku xiran yihiin . Xisbiga Miljöpartiet waxa uu ka soo dhex baxay dhaqdhaqaaqyada deegaanka, wadajirka, sinnaanta iyo nabadda.waa  Su’aalaha maanta ka sii daraya. Waxaanu nahay beddelka siyaasadeed ee dhammaan kuwa aqoonsan caqabadaha soo wajaha bini’aadamka oo raba inay wajahaan rumaystaan mustaqbalka. Arrinka deegaanku waa arrin dabaqad ah, dabaqaduna waa arrin deegaan.