Linköping waxay ku guulaysataa siyaasad cagaaran

Geedo iyo deegaan badan.

Deegaanku wuxuu wanajiya nolosha. Wuxuu bixiyaa qaboow ,hawo nadiif ah iyo meelo lagu nasto .Lakin maanta inta badan degaanku wuu guura marka ay magaalada sii ballaaranayso. Waxaa lagu garta dhirta oo yarata, barxado kulul iyo meelaha carruurtu ku ciyaaraan oo sii koobmaya. Waxaan rabnaa inaan wax ka beddelno.
Linköping waa inay ilaalisaa jardiinooyinka, geedaha, kaymaha iyo biyaha ku dhow meelaha ay dadku deggan yihiin. Degmadu waa inay iibsataa oo ilaalisaa dhulalka cagaaran ee muhiibka leh. Goobaha uu deegaanku qiimo gaar ah ku leeyahay waa in si waarta loo ilaaliyaa.

Biya mareenadena waa muhiim in gacanta lagu hayo.Stångån iyo Tinnerbäcken manta waa wasakhaysan yihiin, laakiin tallabo sax ah wexey keneysa biyahooda oo nadifooba mar kale. Magaalo cagaaran waa magaalo dadku ku noolaadaan caafimaad fiican.

Ballanqad: Balanqadkenu waa 1,000 geed oo cusub sanad kasta.

Kooxaha carruur oo la yareeyo iyo shaqalaha dugsiyada oo la kordhiyo.

Dugsi tayo leh oo carruurta oo dhan ka dhexeya waa waajibka ugu muhiimsan ee degmada. Marku ilmuhu heesto dad waweyn oo ey ku kalsoon yihin iyo degaan amaan ah oo u sahla bahiyada kala duwan wexey siisa waxbarasho iyo cafimad fiican. Sidoo kale deeganka dugsiga iyo hareerihisa waa muhim. Barxad leh geedo, hoos iyo meelo lagu ciyaaro laguna dhaqdhaqaqo waxay sahasha fursado wanaagsan oo ay ku nastaan, ku ciyaaraan isla markaana diiradda u saaraan waxbarashada.

Xannaanadu waa xuquuq uu ilmuhu leeyahay, maha adeeg loo fidiyo waalidiinta. Carruurta ku jirta xaaladaha adag ama leh af hooyo oon ehen kan Iswiidhishka waa inay xaq u helaan sacado dheeri ah xannaanada iyo xarumaha wakhtiga firaaqada.

Arday badan, gaar ahaan kuwa qaba NPF, waxay maanta la kulmaan jawi dugsi oo buuq badan, adag in la fahmo. Taasi waxay keentaa culays iyo maqnaansho.waxaan rabna in an wax ka badalno. Waxa u fudud ardayda qabta NPF waa wax u fudud inta badan ardaya oo dhan.Waxan aminsanahay waxbasho nidamsan, jawi degen, kooxo yaryar, shaqaale badan oo abuura ammaan iyo waxbarasho tayo leh.

Macallimiinta iyo shaqaalaha dugsiyadu waxay mudan yihiin xaalad shaqo oo wanaagsan. Culays shaqo oo yaraada, masuuliyad cad iyo shaqaale badan wexey horseeda waxbarasho wanagsan iyo dugsi Amaan ah.

Ballanqaad: in la kordhiyo tirada shaqaalaha lana yareeyo kooxaha carruurta ee xannaanada iyo dugsiyada.

Maalgelin dheeri ah oo lagu celiyo miyiga

Miyigu waa laf-dhabarta Linköping. Halkaas ayay ka yimaadaan cuntada, tamarta iyo shaqooyin badan oon u bahanahay. Marka aan ilaalinno dhulka beeraha oo aan taageerno wax soo saarka cuntada ee deegaanka, waxaa yarada wasakhowga, isla markaana waxaan sii xoojineynaa awoodda aan ugu diyaar garowno xaaladaha adag.Cunto badan oo deegaanka laga soo saaro oo dhir ku salaysan waxay faa’iido u leeyihiin caafimaadka bulshada iyo u diyaargarowga xaaladaha adag.

Saddexdii qof ee degen magalada Linköping mid ba ku nool banankeda. Sas oo ey tahay miyigu ma helo wax u dhigma canshuurta ay bixiyaan. Taasi waxay ka muuqataa gaadiidka dadweyne oo aan ku filnayn,goobaha lagu kulmo oo kooban iyo adeega bulshada oo yar. In an wax ka badalno aan rabnaa. Canshuurta waa in sidoo kale loo isticmalo horumarka miyiga.

Waxaan doonaynaa in la maalgeliyo waddooyin ammaan ah, gaadiidka dadweynaha iyo goobo ay bulshada miyigu ku kulmaan. Ganacsiga waa u muhim miyiga.Beeraleyda, tamarta iyo dalxiisku waa tiirarka koboca miyiga. Marka miyigu horumar sameeyo, degmada Linköping oo dhan ayaa horumaraysa.

Ballanqaad: In la joojiyo dhismaha lagu sameeyo dhul-beereedka qiimaha leh.

Safarro fudud maalin kasta

Go,aan kasta waa in cimilada iyo deegaanka loogu horeysiiyo. Manta sas maha. Waxaan haysannaa aqoon iyo awood aan wax ku beddeli karno, laakiin waxaa loo baahan yahay go’aan siyaasadeed oo cad. Waxaan rabnaa in aan wax ka badalno. Linköping wexey dhimi doonta wasaqda hawada sey u noqoto degmo hormuud ah.

Gaadiidku waa midka ugu waaweyn e sameynta ku leh wasaqeeynta hawada. Sidaas darteed waxaan rabnaa inaan fududeyno socodka lugta, baaskiilka iyo isticmaalka gaadiidka dadweynaha. Taasi waxay keentaa hawo nadiif ah, waddooyin ammaan badan iyo nolol maalinle oo sahlan. Dugsiyada iyo guryaha agtooda wa in laga yareyo gadiidka sey u helan amaan iyo xasilooni.

Dadka oo dhan kama maarmaan baabuurka, mana aha in sidaas lagu khasbo. Laakiin haddii dad badan ay doortaan inay ku safraan lug, baaskiil ama gaadiidka dadweynaha, saxmadda waddooyinku way yaranayan, waxaana fududanaya safarka dadka runtii u baahan baabuurta.

Ballanqaad: In la dhiso waddooyin casri iyo amaan ah oo lagu talo galay baaskiillada iyo lugaynta.

Hal kaar oo gaadiidka dadweynaha ah oo dalka oo dhan laga isticmaali karo

Si loo helo safar ka jaban oo ka sahlan wexey Miljöpartiet rabtaa inay soo saarto kaar gadiidka dadweynaha oo jaban.

Fikradu waa sahal: Sverigekort hal kaar oo lagu isticmaali karo dhammaan gaadiidka dadweynaha ee dalka oo dhan, kuwa magalada iyo kuwa gobolladaba. 499 karoon bishii dadka waaweyn, halka 250 karoon bishii uu noqon doono dhalinyarada, ardayda iyo dadka hawlgabka ah.

Waxaan rabnaa in dowladda dhexe ay maalgeliso qorshahan. Taasi waxay si weyn u dhimi doontaa kharashka safarka ee dadka isticmaala gaadiidka dadweynaha wadankeena. Waxayna u sahlaysaa inay u safraan shaqada, saaxiibbadood, Qoyskooda ama jimicsiga magalada dhinaceda kale.

Balanqaad: Hal kaar oo bille ah oo laga isticmaali karo dhammaan gaadiidka dadweynaha ee Sweden.Fikradu waa sahal: Sverigekort hal kaar oo lagu isticmaali karo dhammaan gaadiidka dadweynaha ee dalka oo dhan, kuwa magalada iyo kuwa gobolladaba. 499 karoon bishii dadka waaweyn, halka 250 karoon bishii uu noqon doono dhalinyarada, ardayda iyo dadka hawlgabka ah.

Waxaan rabnaa in dowladda dhexe ay maalgeliso qorshahan. Taasi waxay si weyn u dhimi doontaa kharashka safarka ee dadka isticmaala gaadiidka dadweynaha wadankeena. Waxayna u sahlaysaa inay u safraan shaqada, saaxiibbadood, Qoyskooda ama jimicsiga magalada dhinaceda kale.

Balanqaad: Hal kaar oo bille ah oo laga isticmaali karo dhammaan gaadiidka dadweynaha ee Sweden.